Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ra’isul Wasaaraha Itoobiya oo Xariga ka jaray garoonka Diyaaraha Godey

isniin 12 Feb-2024 {HMC} Wafdi uu hoggaaminayo Raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa saaka gaaray magaalada Godey xarunta gobolka Shabeelle ee dowlad degaanka Soomaalida waxaana garoonka cusub ee magaalada ku soo dhoweeyey Madaxweynaha DDS, Mustafe Muxumed Cumar iyo masuuliyiin kale.

Abiy Ahmed iyo Madaxweynaha DDS Mustafe Muxumed Cumar ayaa xariga ka jaray Garoonka Diyaaradaha Ugaas Miraad Layli ee magaalada Godey.

Garoonkani oo loo dhisay qaab casri ah ayay bulshada gobolka Shabeelle iyo guud ahaan kuwa deegaankuba kaga raysan doonaan garoon xumo horey u jirtay.

Goobta nasashada ee garoonkan ayaa horey u ahayd jiingado taasoo wajiga koowaad ee Godey oo ah magaalo fac weyn ka dhigaysay mid aad u hoosaysa maadaama afaafkii lagasoo galayay magaaladu ay ahayd mid duug ah oo aan u qalmin caasimadda 2aad ee Deegaanka.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa dhagax dhigay dhismaha garoonkani caalamiga ah ee xariga laga jaray sanado ka hor.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA