Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Qadar oo sii deysay rag loo xukumay in ay u basaasayeen Israa’iil

isniin 12 Feb-2024 {HMC} Maxkamad ku taalla dalka Qatar ayaa sii deysay 8 sarkaal oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada badda Hindiya oo horay loogu xukumay dil toogasho ah, kaddib markii lagu eedeeyay dambiyo aan la sheegin.

Todobo ka mid ah raggan ayaa horay ugu laabtay Hindiya, wasaaradda arrimaha dibadda Delhi ayaa Isniintii sheegtay.

Bishii Janaayo, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in xukunkooda dilka loo beddelay xukunno “kala duwan” oo dheer.

Qatar iyo India midkoodna ma shaacin eedaha loo haysto raggan oo u shaqaynayay Dahra Global oo ah shirkad gaar loo leeyahay oo Qatar ku taal.

Balse Financial Times iyo Reuters ayaa sheegay in raggan lagu soo oogay dacwad ah inay u basaasayeen Israa’iil.

Sikastaba ha ahaatee, xiritaanka raggan ayaa si weyn waxa ay u qabsatay bogaga hore warbaahinta iyo joornaaladda Hindiya sannadkii 2022-kii.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA