Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Duqeyn lagu dilay horjoogayaal ka tirsan AS oo ka dhacday Jubbada Hoose

isniin 12 Feb-2024 {HMC} Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa saaxiibada Caalamiga ah ayaa duqeymo culus ka fuliyay deegaano hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Duqeyntaan ayaa la sheegay in lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan Ururka AS oo ku dhuumaaleysanaayay deegaano dhaca jiinka Wabiga.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay maleeshiyaad iyo horjoogayaal ajaaniib ah.

Qoraalka kasoo baxay dowladda laguma sheegin magacyada horjoogayaasha ajaaniibta ah ee lagu dilay duqeynta laga fuliyay deegaanada hoostaga degmada Jamaame.

Ciidamada dowladda oo taageera dhanka cirka ah ka helaya saaxiibada Caalamiga ayaa duqeymo noocaan oo kale ah ka geysta inta badan goobaha ay ku sugan yihiin kooxda AS

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA