Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Faysal Cali Waraabe oo dhaliilay Golayaasha Baarlamaanka Somaliland

isniin 12 Feb-2024 {HMC} Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa shaki ka muujiyay nidaamka ay golayaasha sharci dajinta Somaliland u wadaan ansixinta xeerka doorashooyinka ee Xeer Lr 91.

Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah walaac uga muujiyay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo madaxtooyada iska xaadiriyay xili shalay loo balansanaa in cod loo qaado xeerka.

“Guddoomiyuhu isaga oo golihii fadhiyo ayuu yidhi madaxtooyada ayaa layga yeedhay, waxad moodaa in anay waxba u dhaxayn wasiirka iyo guddoomiyaha baarlamaanka, guddoomiyaha maxkamada sare iyo guurtida” ayuu yidhi Waraabe.

Waxa uu sheegay in hadii doorashadu markale dib u dhacdo ay noqon doonto arrin u addeegaysa cadawga Somaliland, isla markaana laga faa’iidaysan doono qalalaasaha guddaha ee Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in sharciga doorashada ururada laga dhigo mid dhigaya in ururadu ay kusoo baxaan cod haldheeri ah, halka markii hore ay ka ahayd in saddexda urur ee dhamaan gobolada min 20% ka hela codadka guud ay soo baxaan.

Xeerka doorashooyinka ayaa la filayaa in dhawaan golayaasha sharcidajintu ay kasoo saaraan nuqul laysku raacsanyahay, kadib markii ay labada aqal ku kala aragti duwanaadeen qodobada qaar dhawaan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA