Maamulka Puntland oo billaaway inay musaafuriso dadka kasoo jeeda Qowmiyada Oromada ee Itoobiya

0
78

Isniin 12 Feb-2024 {HMC} Laamaha Amniga Puntland ayaa magaalada Boosaaso ka sameeyay howlgal ciidan oo ay ku tilmaameen mid amniga lagu xaqiijinayo maadaama falal amni darro ay halkaasi ka dhaayeen maalmihii la soo dhaafay

 

Howlgalka oo laga fuliyay bartamaha magaalada Boosaaso iyo xaafadaha qaarkood ayaa lagu raafay inta badan dadka ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya

 

Wararka ayaa tilmaamaya in Oromada laga raafay gudaha Boosaaso oo lagu uruuriyay goobo gaar ah qaarkood ka baxsadeen gacanta laamaha Amniga isla markaana dib u galeen magaalada, iyaga oo diidan in Magaalada laga musaafuriyo

 

Dadka ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada oo tahriib ahaan ku soo gala Puntland ayaa muddooyinkii dambe aad ugu sii badanayay gudaha Magaalada Boosaaso, waxaana la sheegay inay badankooda yihiin kuwo Magaalada ka dawarsada.

Dhinaca kale howlgalka ayaa sida la sheegay lagu qab-qabtay shakhsiyaad kale oo lagu tuhmayo falalka amni darro ee ka dhacay Boosaaso oo waayadan amnigeeda laga deyrinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here