isniin 12 Feb-2024 {HMC} Dowladda Tรผrkiye ayaa si kulul u cambaareysay falkii Argagixiso ee shalay lagu beegsaday xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho kaasoo lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Imaaraadka, Baxreyn iyo kuwa xoogga dalka.
Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Tรผrkiye ayaa lagu yiri: โWaxaan aad uga xunnahay khasaaraha ka dhashay falkii argagixiso ee shalay (February 10) ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo soo gaaray ciidamada Milateriga ee ku howlanaa sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen amniga Soomaaliyaโ.
Dowladda Tรผrkiye ayaa tacsi u dirtay ehelada dadkii ku dhintay weerarka, iyo shucuubta dalalka Soomaaliya, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn.
Dowladda Tรผrkiye ayaa war saxaafadeedka ay soo saartay ku xaqiijisay in shacab & dowladba ay garab taagan yihiin Soomaaliya ayna sii wadi doonaan taageerada amniga, xasiloonida iyo barwaaqada dalka.