Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xulka Ivory Coast oo marki saddexaad hanatay Koobka Qaramada Africa

isniin 12 Feb-2024 {HMC} Xulka kubadda cagta dalka Ivory Coast ayaa ku guuleystay Xalay Koobka Qaramada Africa, kaddib marki ay 2-1 uga badiyeen xulka Nigeria, ciyaarti kama danbeysta aheyd ee ka dhacday garoonka Al-Xasan Wattaara ee magaalada Abidjan.

Goolka guusha waxaa Ivory Coast u saxiixay Sebastien Haller ciyaarta oo ay dhammaadkeeda ka dhinneyd 9 daqiiqo. Sidaasi ayayna Xulka Maroodiyaasha ku hanteen koobki saddexaad ee Africa.

Nigeria iyada ayaa goolka la hormartay qeybti hore ee ciyaarta, waxana madax ugu dhaliyay William Troost-Ekong, kaddib marki uu ka faa’iiday kubad uu u soo karoosay Samuel Chukwueze.

Hase yeeshee marti-geliyaasha tartanka ayaa ka daba-tagay, kaddib marki uu goolka barbarraha uu u dhaliyay laacibki hore ee AC Milan Franck Kessie.

Waxay sidoo kale noqdeen Ivory Coast, dalki ugu horreeyay oo isaga oo martigelinaya koobka qaada, tan iyo sannadki 2006-di, markaas oo ay Masar martigelisay kaddibna koobka ku guuleysatay.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA