Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xuutiyiinta Yamen oo Weeraro Ka Geeystay Badda Cas.

Isniin 12 Feb-2024 {HMC} Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta sheegay inay Badda Cas ku beegsadeen Markab xamuul, taaasi ah oo weerarkii ugu dambeeyey ee noociisa ah tan iyo markii uu billowday dagaalka Israel iyo Xamas ee Gaza.

Xuutiyiinta ayaa markabka magaciisa ku sheegay Star Iris. Afhayeen militari oo kooxda u hadlay Yahya Saree, ayaa bayaan laga sii daayey taleefishinka kooxda ku sheegay in markabka uu ahaa Mareykan, balse koox la socota xogta maraakiibta ayaa sheegtay inuu sitay calanka Jasiiradda Marshall, islamarkaana laga leeyahay Greece.

Shirkadda amniga maraakiibta Ambrey ee Britain iyo shirkadda howlgallada ganacsiga maraakiibta UK ee UKMTO ayaa sheegay in markabka lala beegsaday laba gantaal xilli uu marayey marinka Bab al-Mandab.

Markabka ayaa waxaa ku dhacay gantaal, waxaana gaaray waxyeello xooggan, sida ay sheegtay Ambrey.

Xuutiyiinta ayaa tan iyo bishii November waday weeraro loo adeegsado gantaallo iyo drone oo lala beegsanayo maraakiibta mara Badda Cas.

Waxay sheegaan in weerarada ay jawaab u yihiin howlgallada militari ee Israel ay ka waddo Gaza, islamarkaana ay u fulinayaan si ay taageero ugu muujiyaan kooxda Xamas.

Weerarada ayaa ku qasbay dhowr ka mid ah shirkadaha ugu weyn maraakiibta caalamka inay hakiyaan maritaanka Badda Cas, Islamarkaana ay ka door bidaan safarka dheer ee ay ugu dul wareegayaan qaaradda Afrika.

Shirkadda Ambrey ayaa sheegtay in markabka maanta la weeraray ay gantaal ka arkeen meel 23 mile badeed u jirta xeebta Khor Angar ee Jabuuti, iyo 40 mile badeed magaalada Mokha ee Yemen.

Ambrey ayaa sheegtay in markabka uu ku wajahnaa magaalada Bandar Imam Khomeini ee Iran.

Shirkadda leh markabka ayaa ka diiwaan gashan suuqa saamiyada Mareykanka ee NASDAQ, taasi oo la rumeysan yahay inay tahay sababta loo weeraray, sida ay sheegtay Ambrey.

XIGASHO Reuters iyo VOA SOMALI

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA