Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Aabaha dhalay marxuumad luul: Maydka gabadheyda Firinjeer ayuu ku jiraa, ninkii gubeyna Mukeyf ayuu ku jiraa

Talaado 13 Feb-2024 {HMC} Ehellada marxuumada Luul Cabdicasiis Maxamed ayaa maanta war cusub kasoo saaray kiiska gabadhooda oo weli maraya meel xasaasi ah, kaas oo ka dhashay kadib markii uu si arxan darro ah u gubay seygeeda oo kadib lasoo qabtay

 

Qaar kamid ah ehellada marxuumadda oo ay ku jiraan waalidiinteeda oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in weli ay yihiin dhibanayaan, isla markaana aysan helin cadaalad

 

Aabe Cabdicasiis oo dhalay marxuumadda ayaa si weyn u dhaliilay  DFS wuxuuna sheegay in eedeysane Sayd Cali Macallin Daa’uud oo lasoo qabtay isaga oo baxsad ah la geeyay qol Mukeyf leh, maydka gabadhiisana uu weli ku jiro Firinjeer

 

“Iyada oo la ogyahay inuu baxsaday ninkaas oo lasoo qabtay hadda dambiilihii aan sugeynay in isla markii maxkamad lasoo saaro ma dhicin gabadheyda 11 maalmood ayay ku jirtaa Firinjeer, isagana waxaa la geeyay meel Mukeyf ah” ayuu yiri Aabe Cabdicasiis

 

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Cadaaladda aan fileynay sidaas ma ahayn, saas darteed soo qabashadiisa waxay kaliftay in Mukeyf la geliyo”

 

Dhanka kale waxa uu carab-baabay Hay’adda Nabad-Sugidda oo uu sheegay inay hayso eedeysanaha, isaga oo su’aal ka keenay sababta oo gayn la’yahay maxkamad

 

“Gacanta Nabad-Sugidda ayuu ku jiraa ayaa la yiri maxaa loogu dhagan yahay? maxay u hayneysaaa ninkaan gabadheyda gubay?” ayuu mar kale yiri Aabe Cabdicasiis Maxamed

 

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in kiiskan aysan ka geli doonin wadahadal, ayna sidoo kale qaadan doonin Diyo, kaliyana ay ku qancayaan cadaaladda

 

“Waxaa Media-ha ku jiro ciddii wadahadal ayaan la leenahay wax-baan bixineynaa lacag, ma’ahan waxaas wax loo baahan yahay, ma jirto wax la dhahaayo Diyo” ayuu raaciyay

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA