Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo gadood sameeyay baaqna u diray madaxda Puntland

Talaado 13 Feb-2024 {HMC} Ciidamo ka tirsan Daraawiishta dowlad goboleedka Puntland oo ku sugan buuraha silsiladda Golis ee gobolka Bari ayaa sameeyay gadood, waxa ayna ciidamadan ka cabanayaan mushaar la’aan dhowr bilood lasoo daristay.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay muuqaal laga soo duubay ciidamadan katirsan Daraawiishta Puntland ee ka cabanaya mushaar la’aanta, waxa ayna sheegeen in qarka u saaran yihiin in furumaha dagaalka kasoo baxaan haddii aan arintooda wax laga qaban.

Mid kamid ah saraakiisha ciidanka gadoodka sameeyay ayaa sheegay in ay ka maqan tahay xaquuqdooda muddo 7-bilood ah, isagoona ugu baaqay madaxda Puntland in arrintooda hoos u eegaan ayna siiyaan mushaarka ka maqan.

“Waxaanu nahay ururka 7-aad ee ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku sugan buuraha silsilada Golis waxan doonaynaa in aan ogaysiino mas’uuliyiinta dowladda in aanan helin xuquuqdii aan lahayn annaga oo ku jirna difaaca dalka” ayuu yiri sarkaalka .

Ciidamada kala duwan ee Puntland ayaa marar badan deegaanno kala duwan ka sameeyay gadood, waxa ayna ciidankan inta badan ka cabanayaan mushaar la’aan bilooyin lasoo daristay, iyadoona maamulka madaxweyne Deni ku fashilmay bixinta mushaarka ciidanka.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA