Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka dowladda oo Gal-gaduud ku fashiliyay qaraxyo ay diyaarinayeen AS.

Talaado 13 Feb-2024 {HMC} Ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaano dhowr ah oo dhaca Bariga gobolka Galgaduud .

Howlgallada ayaa ciidamada si gaara kaga fuliyeen deegnanda Cali Candhoole , Shikh Cabdullahi, Baraag Xaaji Dhagax iyo Deegaano kale oo dhowrah oo lagu tuhmayay in ay ku dhuumaaleesanayeen kooxda AS.

Ciidamada ayaa inta ey howlgalka ku jireen waxay so saareen tiro miinooyin ah oo ay AS dooneysay in ay dhibaatooyin ku geesteen, waxa ay sidoo kale ciidamada bur buriyeen fariisimo ay AS lahaayeen.

Taliyaha ciidamada guutada 24 ee Khaalid Bin Walid, Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne ayaa sheegay in ciidamada huwanta ah wali ka wadaan deegaanno katirsan bariga gobolka Galgaduud howlgalo ka dhan ah AS

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ayaa mudooyinka dambe kordhiyay howlgalada lagu baacsanayo kooxda AS ee ku sugan deegaanno katirsan bariga gobolka Galgaduud.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA