Friday, July 19, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Xuska maalinta Radiyaha Aduunka oo Muqdisho Lagu qabtay.

Talaado 13 Feb {HMC} Maanta oo ku began 13 ka February maalinta Raadiyaha Aduunka iyo kob iyo tobansana guuradii kasoo wargeetay aas aaskii dallada warbahainta Soomaaliyeed ee SOMA ayaa munaasabad lagu maamusyay lagu qabtay magaalada Muqdisho waxaana ka qeyb galay hogaanadda SOMA, Fosej, wariyaal iyo macalimiin saxaafaded.

 

Ugu horeyn waxaa madasha ka hadlay xoghaya daladda warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Maxamed Cismaan Makaraan oo kulanka kaga hadlay qiimaha uu wali leeyahay Radiyaha iyo halkudhiga sanadla ay sanadkan qaaten oo ah Nabada iyo Raadiyaha.

 

“Dadka Soomalaiyeed waxey wali dhageestaan oo ay xogta ka helaan waa Radiyaha, taasi waxaa ka garan garnaa in qiimaha Radiyaha iyo sidey idaacadaha ugu qeyb qaateen xaaladihii adkaa ee dalkeena uu soo maray siyaasi waxa yiri” Xoghayaha Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA.

Xoghayaha ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ Faarax Cumar Nuur oo si qota dheer uga hadlay bilowgii Raadiyaha ee dadka Soomaaliyeed iyo wali sida uu muhiim uga yahay ayaa xuska munaasabadan uga mahadceliyay Daladda Warbaahinta SOMA.

Maxamed Maxamuud Cadde oo ah qabiir Saxaafadeed mudo dherna ka so shaqeynaayay Laanta afka Soomaaliya ee BBC da ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta muhiimada uu leeyahay radiyaha iyo sida ay dadka soomaaliyeed uu raadiyaha ugu ahaa dhan.

Ugu danbeeyn waxaa munaasabad ka hadlay qaar kamid ah agaasimayaashii idaacadaha iyo macalimiintii saxaafadeed ee ka qeyb galay isu imaatanka, iyagoo ka sheekeyay marxaladii kala duwanaa ay kusoo shaqeeyeen iyo qiimaha Radiyaha.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {18.07.2024}

Khamiis 18 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Dhaqane Khaliif Abdi Farsamadii ::Abdirahman...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka

Khamiis 18 July 2024 {HMC}  Wararkii Ugu Danbeeyay Soomaaliya iyo Caalamka HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUQAALKA.

WARARKA