Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxay tahay cabsida ka jirta deegaannada Galmudug ee hore looga saaray kooxda AS

Talaado 13 Feb-2024 {HMC} Wararka ka imaanaya deegaannada Galmudug ayaa sheegaya in goobo ka mid ah kuwii AS lagula dagaallamay, horena looga saaray ay iminka cabsi ka jirto, taasoo la xiriirta inay ku soo laabtaan ama soo weeraraan.

Deegaannadaas qaarkood ayey wararku sheegayaan in ciidanka dawladda, kuwa Galmudug iyo kuwa deegaanka uga baxeen sababo aysan maamulka Galmudug iyo dawladda federaalka sheegin.

Laakin qaar ka mid ah dadka xog-ogaalka u ah hawlgalladii deegaannadaas ka dhacay ayaa warbaahinta  u sheegay inay jiraan goobo ay ciidanka dawladda iyo kuwa Galmudug ka baxeen, kuwaasoo ay dib ugu soo laabteen kooxda AS

Deegaannadaas waxaa ka mid ah aagagga Caad iyo Jeexjeexa oo dagaallo aad u kharaar ay ku dhex mareen ciidamada isla socda ee Galmudug iyo federaalka oo dhinac ah iyo AS. Xataa deegaannada qaar waxaa dagaalladii ka dhacay ka qayb qaatay dayaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones).

Jeexjeexa ayaa ahayd halkii uu ku geeriyooday Suulnuug oo ka tirsanaa saraakiisha dawladda.

Sababta ay ciidanka dawladdu uga baxeen lama sheegin, laakin ciidanka dawladda ayaa sida ay warbaahinta wararka ku helayso ka baxay deegaanka Caad, in yar ka dib markii AS ay todobaadyo ka hor ku qaadeen weerar cag marin ah.

Ciidanka dawladda ee Caad ku sugnaa waxay isaga tageen halkii ay joogeen wixii ka dambeeyey markii AS ay dib u soo weerareen” ayuu yiri qof ka mid ah dadka deegaanka oo sheegay in ciidankaas ay u dhaqaaqeen dhinaca Shabeelow.

Ciidankii halkaa fadhiyey ayey wararku sheegayaan inay iminka ku sugan yimid tuulada Camaara, waxaana dadka deegaanku ay sheegayaan in aagaggii ay ka soo baxeen lagu arkay xubno AS ka tirsan.

Laakinse sarkaal ciidanka dawladda ka tirsan wuxuu warbaahinta u sheegay Caad aysan joogin labada dhinac midkoodna, “hase yeeshee meesha ay cabsida ka jirto waa Camaara” ayuu yiri sarkaalkaas.

Sidoo kale maalmo ka hor ayaa hoobiyeyaal la rumaysan yahay in AS ay soo rideen ay ku soo dheceen Camaara, halkaasoo ay ku dileen dad ay ka mid ahaayeen Lamaane is qabay.

mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, kuwaasoo aan wax ka weydiinnay dhibaatada keentay in dib looga baxo deegaanadii AS laga qabsaday.

Mid ka mid ah mas’uuliyiintaas ayaa  sheegay in uu gaabis jiro “ habacsanaan way jirtaa, meelaha qaarna wan ka war qabnaa in AS ay culays soo saareen, laakin waxaa xaqiiq a hin deegaanno badan laga saaray” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Galmudug Xuseen Xirsi Faarax, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulkaas.

Wuxuu intaa ku daray in maamulkooda ay ka go’an tahay inay dagaalka AS sii wadaan “Deegaanno badan oo Mudug ka tirsan ayaa laga saaray AS waxaana hadda u ruqaansanaynaa in aan ka saarno laba deegaan oo ay kaga harsan yihiin gobolka galgaduud” ayuu yiri wasiir ku xigeenka. Ma uusan shegin sababta “habacsanaanta keentay”.

Deegaanno ay ka mid yihiin Camaara iyo Wisil ayaa waxaa ka jira cabsi ah in AS ay mar kale weerar ku soo qaadaan haddii ciidanka jooga ay ka baxaan.

AS ayaa weerarro ka gaystay goobo ay ciidanka dawladda iyo kuwa Galmudug ku sugnaayeen.

Dad xog ogaal ah waxay sheegeen in dib u soo laabashada AS ay Timid wixii ka dambeeyey markii u madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka soo laabtay Galmudug oo uu muddo bilooyin ah ku sugnaa, isagoo halkaa ka hogaaminayey dagaalkii kharaaraa ee ay dawladdu la gashay kooxda AS

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA