Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wasiirro Muqdisho kusoo dhaweeyay Hoggaamiyaha maamulka Awdal State

Talaado 13 Feb-2024 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ayaa maanta la kulmay hoggaamiyaha maamulka Awdal State Professor Cabdisamad Ibraahim Nageeye oo dhawaan soo gaaray Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa ugu horeyn uga mahadceliyey hoggaamiyaha Awdal State booqashadiisa caasimadda, intaas kadib ka xog-wareystay arrimo ku saabsan halgan ay isaga iyo dadkiisu ku difaacayaan qadiyadda Badda iyo sida ay uga dhiidhiyeen damaca guracan ee Ethiopia.

Fiqi ayaa ayaa ku amaanay shacabka reer Awdal dal iyo dibadba wadaniyadda iyo dhul jacaylka ay muujiyeen iyo sida ay uga dhiidhiyeen damaca gurracan ee Abiy Axmed, asaga oo hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka ah ay tahay mid mar weliba u dhego nugul dareenka iyo rabitaanka dadka Soomaaliyeed.

Hoggaamiyaha Awdal State iyo mas’uuliyiintan heer Federaal ayaa sidoo kale ka wada hadlay dardar-gelinta nidaam u sameynta deegaanada maamulka cusub ee Awdal State iyo sidii ay DFS uga garab siin laheyd wax kasta oo sii xoojinaya midnimada ay u istaageen dadkaasi xili Dalka lagu soo duulay.

DFS ayaa ku amaantay madaxda iyo shacabka reer Awdal State sida ay iskaga diideen in dhaxalka caruurtooda loogu wareejiyo Ethiopia islamarkaana ay uga hor yimaadeen heshiis beeneedkii uu Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi la galay Abiy Axmed.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA