Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xulka kubadda cagta ee Falastiin ayaa lagu marti-qaaday dalka Koonfur Afrika

Talaado 13 Feb-2024 {HMC} Dalka Koonfur Afrika ayaa ah dalka kaliya oon la ganban taageerada iyo garab istaaga ay u muujiyaan shacabka iyo dowladda Falastiin, waxa ayna marar badan qaadeen tallaabooyin ay ku taageerayaan madax-bannaanidooda.

Xulka kubadda cagta ee Falastiin ayaa lagu marti-qaaday dalka Koonfur Afrika ay hadda joogaan, waxa ayna xulkan kulamo saaxiibtibimo la ciyaarayaan kooxo ka dhisan gobolada dalka Koonfur Afrika qaarkood.

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, ayaa Axadii daawaday ciyaar u dhaxeysay xulka kubadda cagta ee Falastiin iyo Western Cape 11, ciyaartan ayaana aheyd mid saaxiibtinimo iyo is-dhaxgal ah.

Dadkii kala duwanayaa ee ciyaarta daawanayay ayaa ku dhawaaqayay “Falastiin xor ah!” madaxweynaha Koonfur Afrika ayaana ku celceliyay in dalkiisa ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Falastiiniyiinta dagaalka kula Jira Israa’iil.

“Shacabka Falastiin iyo Hoggaanka Ururka Xoreynta Falastiin oo uu ugu horeeyo Abuu Cammaar, Jaalle Yaasir Carafaat, waxay ka mid ahaayeen saaxiibadii iyo taageerayaashii ugu weynaa ee halgankeena xornimo doonka ah, waxay na garab istaageen maalmihii ugu madoobaa, rajo iyo dhiirranaan ayay na siiyeen. ” ayuu yiri Madaxweyne Ramaphosa.

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika ayaana sheegay in maanta la joogo xilligii iyagana ay garab istaag u muujin lahaayeen walaalahooda Falastiin oo tacadi iyo xasuuq ba’an kala kulmaya ciidamada Israa’iil.

“Maanta, annagoo ah shacabka Koonfur Afrika ee xorta ah, waxaan leenahay gacmahayaga qabsada, idinkana waan idin garab taagannahay,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha dalka Koonfur Afrika.

Dalka Koonfur Afrika ayaa dhawaan geeyay maxkamadda dambiyada caalamiga ee ICJ dacwad ka dhan ah maamulka Israa’iil, waxa ayna Koonfur Afrika maxkamadda ka dalbadeen in ku cadaadiso Israa’iil in ay joojiso xasuuqa ay wadaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA