Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

DFS oo Shir heerkiisu sarreeyay uga qeyb gashay Dalka Itoobiya.

Arbaco 14 Feb-2024 {HMC} Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Cumar Cali “Balcad” iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka qayb galka shirar heerkoodu sarreeyo u jooga dalka Ethiopia, ayaa si buuxda uga qayb galay shir looga arrinsanayey guulaha laga gaaray hawlgalka geba-gebada ah ee ATMIS, kaasi oo uu soo qaban-qaabiyay Golaha Amniga iyo Nabad-gelyada Midowga Africa.

Wasiirka waxaa shirka ku wehelinayey Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Cabdullaahi Maxamed Warfaa, la taliyaha amniga ee Ra’iisal Wasaaraha XFS mudane Kamaal Guutaale, Xoghayaha koowaad ee Ssafaaradda JFS ee Addis Ababa u qaabilsan Midowga Africa Shaafici Nuur Calas iyo sidoo kale diplomaasiyiin ka tirsan safaaradda iyo mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ahaa wafdiga wasiirka.

Shirka waxaa sidoo kale goob joog ahaa dhamaan dalalka taageera horumarka iyo xasilinta Soomaaliya, hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub iyo sidoo kale khuburada Dawladda Soomaaliya kala shaqaynaysa meelmarinta iyo dhamaystirka hawl-galka ATMIS oo sanadkan 2024 si rasmi ah loo soo geba-gebayn doono.

Shirkan oo qaatay saacado badan, ayaa si qota dheer looga dooday natiijooyinka dhaxal-galka ah ee laga gaaray qorshaha Qaran ee la xiriira in ciidamada Xoogga Dalka Soonaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan amniga Soomaaliya, isla markaana lasoo geba-gebeeyo hawl-galka KMG ah ee ATMIS.

Wasiir Cali Cumar Cali “Balcad” oo shirka khudbado kala duwan ka jeediyay, ayaa hoosta ka xariiqay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay si dhab ah ugu guulaysattay in Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed loo carbiyo xasilinta nabad-gelyada Soomaaliya iyo xaalufinta AS, isla markaana ay DFS kalsooni buuxda ku qabto tayada iyo tababarada ay qaateen CXDS ayna si buuxda ugu diyaarsan yihiin la wareegidda amniga guud ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa dalalka Africa iyo saaxiibada Soomaaliya uga mahadceliyay dedaalka iyo garab istaagga ay ku bixiyeen marxaladda wanaagsan ee ay xiligan Soomaaliya soo gaartay.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA