Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dowladda Itoobiya oo lagu eedeeyay in ay xasuuq ba’an ka waddo gobolka Amxaarada.

Arbaco 14 Feb-2024 {HMC} Guddiga madaxa bannaan ee xuquuqul Insaanka Itoobiya ayaa sheegay in ciidanka amniga dowladdu ay gobolka Amxaarada ku dileen ugu yeraan 45 ruux oo shacab ah dabayaaqadii Jannaayo ee sanadkan.

War saxaafadeed ka soo baxay guddiga EHRC loo soo gaabiyo ayaa lagu sheegay in ciidanku ay dileen shacab aan waxba galabsan kuwaas oo maamulka Abiy Axmed ku eedeeyeen in ay taageersan yihiin jabhadda Amxaarada ee Fano.

Xasuuqa ay ciidanka maamulka Addis Ababa geysteen ayaa ka dhacay magaalada Merawi ee gobolka Amxaarada, halkaas oo ciidanka Abiy ay ku wajahayeen jabhadda hubeysan ee Fano ee qowmiyadda Amxaarada.

Tewodrose Tirfe, oo ah hogaamiyaha urur u dhaq dhaqaaqa xuquuqda dadka Amxaarada ee fadhigiisu yahay Mareykanka ayaa sheegay in ciidanka maamulka Abiy ay adeegsanayeen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee drone-ka, kuwaas oo si aan kala sooc lahayn loogu duqeeyo goobaha Rayidka ku sugan yihiin oo ay magaalooyinka ku jiraan.

Todobaadkii hore Mareykanka ayaa walaac ka muujiyay xasuuqa ka dhacaya gobolka waqooyi ee dalka Itoobiya, ka dib markii ay kordheen dilal loo geysanayo shacabka Amxaarada oo isirkooda dartiis loo beegsanayo.

War qoraal ah oo ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Addis ababa ayaa lagu dalbaday in dhibaatooyinka lagu hayo shacabka Amxaaradda loo baahan yahay in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo.

Ma ahan markii ugu horeysay ee guddiga Xuquuqul Insaanka Itoobiya ka qaylo dhaamiyo falalka gurracan ee ciidanka maamulka Abiy Axmed ka wadaan gobolka Amxaarada, bishii September ee kal hore, guddiga EHRC waxay sheegeen in ay dowladdu fulisay dilal sharciga ka baxsan iyo in dadka kasoo gobolkaas la iska xirto.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA