Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Hay’adda NISA oo Booliiska ku wareejisay Sayid Cali Macallin Daauud oo ku eedaysan in uu gubay Xaaskiisa

Arbaco 14 Feb-2024 {HMC} Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa maanta Booliiska ku wareejisay Sayid Cali Macallin Daauud oo 5tii Bishaan Febaraayo 2024 ciidan katirsan Hay’addaan soo qabteen isaga oo baxsad ah.

Sayid Cali oo ka gubtay Gacanta Bidix ayaa lagu hayay goob gaar ah oo ciidamada Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ku hayeen si loogu daweeyo waxaana ugu dambayn maanta lagu wareejiyay Booliiska.

Waxa uu Ninkaan ku eedaysan yahay in uu gubay Marwadiisa Luul Cabdicasiis oo Uur lahayd inkasta oo aan la shaacin sababta keentay in uu qab qabadsiiyo Aafadiisa oo ugu dambayn u dhimatay dhaawaca culus ee dabkaas kasoo gaaray.

Ehelka Luul oo ugu horreeyo Aabaheed Cabdicasiis Maxamed ayaa Shalay waxa uu Dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday in caddaaladda loo mariyo Sayid Cali maadaama marxuumadda aanay weli la aasin.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA