Arbaco 14 Feb-2024 {HMC}Muslimiinta kunool qaarada Yurub ayaa dhibaato badan kala kulmi doona helitaanka hilibka xalaasha ah, kaddib ammar mamnuucid ah oo kasoo baxay Maxkamada Xaquuqda Aadanaha ee Yurub
Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha Yurub ayaa soo saartay go’aan ah in xoolaha kahor inta aan la qalin la suuxiyo, taas oo ka hor imaaneysa habka gowrca diinta Islaamka nafartay una gowracdaan dadka muslimiinta ah
Qoraal kasoo baxay maxkamadda xuquuqda aadanaha yurub ayaa lagu sheegay in go’aankan ay soo saareen uusan xadgudub ku ahayn xorriyada diimaha islamarkaana uusan ahayn takoor dad gaar ah loola dan leeyahay
Go’aanka maxkamada ayaa lasoo rogay shalay, kaddib markii uu guuldareystay dacwad ay wadajir u gudbiyeen ururada Muslimiinta iyo Yahuuda oo doonayay in loo oggolaado inay xoolo u qashaan si waafaqsan diintooda.