Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Maamulka Biden oo baaraya suurtagalnimada dambiyo dagaal oo ay Israel ka geysatay Qasa

Arbaco 14 Feb-2024 {HMC} Warar ay daabaceen warbaahinta Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in maamulka madaxweyne Joe Biden uu baarayo suurtagalnimada dambiyo dagaal oo ay Israel geysatay intii lagu jiray dagaalkii ay ka waday Marinka Qasa tan iyo todobadii bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.

Shabakadda Huffington Post ayaa sheegtay in saraakiisha Mareykanka ay muddo bilo ah wadeen qiimeyn ku saabsan xadgudubyada suurtagalka ah ee Israa’iil ee sharciga caalamiga ah.

Maraynkanka ayaa marwalba gacan ka geysaneyay wiiqida kiiska xasuuqa ee ay Koonfur Afrika uga gudbisay Israa’iil Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda iyo dadaallada kale ee loogu talagalay in lagu qiimeeyo hawlgalka milatari ee Israel.

. Si kastaba ha ahaatee, website-ka Huffington Post ayaa soo xigtay saddex ilo xaqiijinaya in baaritaanno gudaha ah ay wadaan maamulka Mareykanka si loo qiimeeyo xadgudubyada suurtagalka ah ee sharciga caalamiga ah ee Israel.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA