Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Macaliinkii loo dilay gabadh uu canaantay Hooyadiis oo waayeel ah ku taaheysaa ma la qabtay dilaagii

Arbaco 14 Feb-2024 {HMC} Waxaa maalintii saddexaad talaagada maydka ee istibaal Madiina ku jira maydka Cabdiirxmaan Macllow Abiikar oo maalmo ka hor lagu dhex dilay dugsiga Maxamed Xirsi Nuur Siidii ee magaalada Muqdisho.

Ninka dilka gaystay ayey ciidamda boolisku ku sheegeen inuu la dhashay gabar iskoolka dhiganaysay oo uu marxuunku macalin ka ahaa.

Sida qoyska marxuunka BBC-da u sheegeen, Marxuunka ayaa gabadha ka cayrshay Iskoolka ka dibna eedaysanaha dilka gaystay ayaa yimi iskoolka isagoo tooray ku hubaysan dabadeedna dilka fuliyey.

Sahro Macllow Abiikar oo ay walaalo yihiin Marxuunka ayaa BBC-da u sheegtay in qoyskeedu wali xaaladoodu tahay mid jaahwareersan oo murugo leh.

“Cabdirixmaan wuxuu qoyskeena u ahaa Lafdhabar aan ku tiirsanahay, waxaan sugaynaa inaan cadaalad helno. maydkuna wuxuu ku jiraa talaagad taala cisbitaalka Madiina,” ayey tiri Sahro.

Waxay intaa ku dartay inay Macalin Cabdirixmaan uu ahaa ninka u shaqeeya qosyka, iyo daryeelka caafimaad ee hooyadood oo waayeel xanuunsan oo saariir saar ah.

“Hooyo awalba way xanuunsanayd waxay ku taaheysaa Cabdiraxmaan ma dhintay, yaa dilay, ninkii dilay ma la qabtay,” ayay BBCda u sheegtay Sahro Macalin oo si codkeedu hooseeyey markii ay ka hadlaysay marxalada qoyskeedu ku jiro.

Cabdiqaadir Macllow Abiikar oo ah walaal ka weyn marxuunka ayaa BBC-da u sheegay inay hay’addaha amaanka ka sugaan inay soo qabtaan eedeysanaha.

“Ma la aasi doono maydka ilaa eedaysanaha gacantu lagu soo dhigo, inuu baxsaday ayaa na loo sheegay isaga hooyadiisa,” ayuu yiri Cabdiqadir.

Sahro Macllow ayaa xustay in Cabdirixmaan ahaa qof cibaado badan ku mashquulsanaa kafaalo qaadka qoyska.

Wuxuu ahaa qof u dhaxeeya guriga, masaajidka iyo isoolka, xitaa culimadii masaajidkii uu kitaabka ka raacanayey way noo yimaadeen iyaga oo ilmayna ayey BBC-da u sheegtay Sahor Macllow.

Marxuunku wuxuu labada galinba macalin ka ahaa dugsiga Maxamed Xirsi Nuur Siidii ee magaalada Muqdisho. Dilkiisa ayaana gilgilay bahda waxbarashada iyo qoyskiisa.

Maamulaha Iskoolka uu macalinka ahaa ee Maxamed Xirsi Nuur Siidii ee magaalada Muqdisho, Cali Maxamuud Xayle ayaa BBC-da u sheegay inuusan qiyaasi karin wuxuu ku cabiro geerida Macalin Cabdiraxmaan

“Aad bay noo taabatay geeridiisu, xanuun adag ayey wali nagu haysaa, anaga waxaa naga sii daran ardaydii markii falku dhacayey meesha joogay, ardaydu waxay taagnaayeen rigadda ama daabuurka markii eedeysanahu dilay macalin dhiigii ayaa firdhay wayna kala carareen marka waa dareen xanuun dhamaanteed noo leh,” ayuu yiri Xayle.

Laamaha amaanka ee Soomaaliya ayaan wali ku guulaysaan qabashada eedeysanaha laakiin sida ay sheegeen waxay wadaan dadaal lagu soo qabanayo.

Maxay bahda waxbarashadu ka dheheen geeridiisa?
Bayaanka soo baxay dallado waxbarasho oo Soomaaliyeed ayey ku cambaareeyeen falkaas ka dhacay goobta waxbarashada ee lagu dilay Macalin Cabdirixmaan Macllow Abiikar.

Bahda waxbarashadu waxay dowlada Soomaaliya ka gaar ahaan laamaha amaanka iyo kuwa garsoorka ka codsanayaan inay soo qabtaan eedeysanaha dilay Macalinka ayaa lagu yiri bayaanka.

“Bahweynta waxbarashada dalka oo ka dhiidhinaysa dhibatadii dhacday, garab istaagna u muujinaysa macalinka Soomaaliyeed, waxaan go’aan ku gaarnay inana joojino waxbarashada iskuullda iyo Jaamacadaha muddo saddex maalmood ah oo ka bilaamanaysa 17-ka bishan Febraayo,” ayaa lagu bayaanka bahda waxbarashda.

Waa kuma Macalin Cabdirixmaan?

Marxuun Cabdiraxmaan Macllow Abiikar ayaa ku dhashay Magaalada Muqdisho bartamihii sagaashameeyadii sida BBC u sheegay Maxamed Nuur Barrow oo abti u ah.

Waxbarashada hoose, dhaxe iyo sare ayuu ku dhamaystay isla Muqdisho. Isagoo jaamacd ku taal Muqdisha ku qaatay heerka kowaad.

Waxaa xusid mudan inuu arday ka ahaa dugsiga Maxamed Xirsi Nuur Siidii oo markii danbe Macalin ka noqday aakhirkiina isla dugsigaas dhexdiisa uu naftiisa ku waayey.

Wuxuu barre ka ahaa dugsiga hoose, dhexe ee dugsiga Siidii isagoo dhigayey maadooyin ay ka mid yihiin luuqada carabiga iyo tarbiyada Islaamka.

Qoyskiisu waxay noo sheegeen inuu qof dadku jecel yihiin, deganaa dadka ixtiraami jiray.

Maamulaha dugsiga uu macalinka ahaa Cabdiraxmaan ayaa ku tilmamay qof la wada jeclaa arday iyo maamulba ayna wali boog ku tagay geeridiisa.

Xigasho BBC

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA