Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Mareykanka oo xaqiijisay in ay Soomaaliya ka taageereyso dagaalka ka dhanka ah AS

Arbaco 14 Feb-2024 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in Soomaaliya ay ka taageereyso dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ku nuux nuuxsatay in ay ka go’an tahay dadaallo kala duwan oo dhanka ammaanka ah.

Maraykanku wuxuu sheegay inuu tababaro iyo qalabayn muhiim ah siiyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee Guutada Danab.

 

Wadashaqeynta ayaa lagu soo bandhigay wadahadal u dhaxeeyay wakiillo ka socda Mareykanka iyo Taliyaha Difaaca Soomaaliya, Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, wada hadalkaas oo ka dhacay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

 

“Mareykanku waxa uu Soomaaliya ka taageeraa dadaallada lagu wiiqayo Al-Shabaab iyadoo loo marayo kaalmooyin kala duwan oo dhanka amniga ah oo ay ka mid yihiin in ay tababaro iyo qalabayn siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab,” sidaasi waxaa yiri safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

 

Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa 6-February-2024 ugu deeqday Saddex Gaari oo kala ah Machadka Tababarka Garsoorka Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee maamulka Hirshabeelle.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA