Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xaaladda Warbaahinta iyo Dhismaha Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed.

Arbaco , February 14, 2024 {HMC} Saxaafadda door muhiim ah ayay ka qaadataa qaabaynta ra’yiga bulshada iyo kobcinta dimuqraadiyadda, saxaafadda Soomaaliyeed waxay ku jirtaa marxalad xasaasi ah, iyada oo ay jiraan caqabado badan oo isugu jira xirfad yari, faafreeb iyo walaacyo badbaado.

waxaa jira baahi wali taagan oo ah in Saxafiyiinta ay helaan nidaamka lagu saxo khaladaadka jira.

Aasaaska Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed oo soo ifbaxa waxa uu rajo u noqon karaa dhamaynta walaaca jira.

Muddo ayaa ka soo wareegtay markii laba goor laba madaxweyne ay saxiixeen sharciga warbaahinta Soomaaliya, waxaana taas laga keeney dood iyo in qodobada qaarkood wali u baahan yihiin in la saxo.

 

Qodobada laysla ogol yahay ayaan qaarkood dawlada federaalka iyo dawlad goboleedyada Soomaaliya aysan wada fulin, Cabsi ayaana wali jirta ay saxafiyiinta iyo warbaahinta guud ay qabaan.

Si looga gungaaro caqabadaha wali taagan waxaa loo baahan yahay in laga shaqeeyo dhismaha Golihii muranka iyo dooda jirta lagu saxi lahaa.

 

Golahan oo ah Golaha warbaahinta Soomaliyeed waxa uu muddo ku jiray isjiid jiid, waxaan sanadkan rajaynaynaa in si miirqabta loogu soo wada jeesto in dhidibada loo taago.

Ururka FESOJ iyo Dalladda warbaahinta SOMA iyo ururada Bahdooda ee ku jira dalladda SMSJ waxay qabaan in la joogo waqtigii ay saxaafadda Soomaalia ay yeelaan lahayd golaha warbaahinta Soomliyeed oo ah qodobka 14 ee ku cad sharciga saxaafadda.

Qodobka muhiimka ah ee labada urur u arkeen in la dardargaliyo dhismihiisa waqtigan waa qodobkaas 14 oo la doonayo in lagu dhiso Gole Madax-bannaan oo xubnihiisa ay aqoon u leeyihiin Warbaahinta iyo shuruucda dalka u yaal.

FESOJ iyo SOMA waxay doonayaan in saxaafadda kale, dawlada iyo bulshada rayidka ay ka wada shaqeeyaan in golahan dhismihiisa uu noqdo mid laga wada tashado, maadaama muddo uu soo jiitamayay qolana gaar kaligeed u dhisi karin.

Isutagga Saxafiyiinta Soomaaliyeed FESOJ waxa uu waqtiyadii la soo dhaafay si dhow ula socday dhismaha Golaha warbaahinta bariga Africa oo kulanadii dhismihiisa loogu gogol xaarayay uu kala qaybgaley xubnaha dalalka bariga Africa ee ayagu wadamadooda ay u dhisan yihiin golayaal warbaahin u gaar ah.

Soomaaliya oo qayb ka noqotay bulshada bariga africa waxaa muhiim u ah inay hadana qayb ka noqoto Golaha warbaahinta bariga Africa oo FESOJ ay buddhigiisa wax badan lagala arinsadey.

Dhismaha golaha warbaahinta Soomaliyeed ee la doonayo in la dhiso waxaa uu ku qeexan yahay qodobka 14aad ee sharciga warbaahinta dalka oo qaybhiisa ka kooban yahay 14.1, 14. 2, 14.3, 14.4., 14.5 iyo 14.6, 14.7, 14.8, 14. 9.

Farqadaha muhiimka ayaa kala ah: 14.1 oo sheegya in 9 xubnood uu golaha ka koobnaanayo:

14.1. B) Warbaahinta Dawladda 3 xubnood, mid dumar ah.
T) Warbaahinta gaarka ah 3 xubnood
J) Ururrada bulshada rayidka ah oo 3 ah.

14.2. Golaha Warbaahinta Soomaliyeed, waxaa ka mid noqon kara aqoonyahan iyo xeeldheereyaal Warbaahineed lagu xulay waayo-aragnimo, karti, daacadnimo iyo hufnaan.

14.3. Faqradan oo muhiim ah ayna tahay in hoosta laga xariiqo waxay tilmaamaysaa in si Golaha xilkiisa u guto uu ka madaxbanaan yahay, Siyaasad iyo fargalinta dawlada, Dano hey’adeed iyo kooxo gaara ah iyo Dano isdiidan ee ku iman kara qofka xubinta ka noqonaya iyo shaqada golaha.

14.4 Golaha Warbahinta Soomaaliyeed dhismihiisa waxaa uu ku imanayaa wadatashi ay qayb ka yihiin Wasiirka Warfaafinta, Ururada Warfidiyeenada iyo Guddoomiyaha Bulshada Rayadka ah.

14.5 Magacaabidda Golaha Warbaahinta Soomaaliyeed waxaa uu ku ansaxayaa Go’aan Golaha Wasiirada, soo jeedinta Wasiirka Warfaafinta ka dib, Madaxweynuhuna saxiixo, laguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah.

14.6 Waqtiga golahan warbaahinta Soomaliyeed waxa uu noqonayaa 3 sano oo hal mar kaliya la cusboonaysiin karo haddii loo baahdo.

Waxaan quudaraynaynaa in Soomaaliya uu ka hirgalo Gole warbaahin loo wadatashaday oo xaliya caqabadaha soo jiitamay ee warbaahinta Soomaaliyeed mudada soo haysatay.

 

Soomaaliyana waxay hiigsanaysaa inay waddada u xaarto jawi warbaahineed oo xor ah, dimuqradi ah, mas’uul ah oo firfircoon.

 

FESOJ iyo SOMA iyo Bahdooda SMSJ waxay cadaynayaan inay u taagan yihiin inay howshaas hormuud ka noqdaan.

Wabilaahi towfiiq

 

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA