Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xisbullah oo Gantaalo oo Ku weerartay Israa’iil

Arbaco 14 Feb-2024 {HMC} Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay siddeed kalena way ku dhaawacmeen weerar gantaallo ah oo lagu qaaday magaalada Safed ee waqooyiga Israa’iil.

Telefishinka Channel 12 ee dalka Israel ayaa sheegay in mayd laga helay intii lagu guda jiray baaritaanka dhismo uu waxyeello u geystay gantaal kaasoo ku yaalla degaanka Safed.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa sheegay in saldhig ku yaalla waqooyiga Israa’iil lagu beegsaday gantaallo laga soo tuuray Lubnaan, iyadoo aan la cayimin magaalada. Ciidamada Cirka ee Israel ayaa ku jawaabay “weerar aar gudasho ah oo ka dhacay Lubnaan.

Ururka Xisbullah, oo ah koox hubaysan oo Iran taageerto, isla markaana ah ciidamada gobolka ayaan sheegan weerarka.

Laga soo bilaabo maalintii xigtay weerarkii 7-dii Oktoobar ee Xamaas ay ku qaadday Israa’iil, rasaas ayaa ka dhacaysa xadka Lubnaan uu la wadaago Israa’iil.

Is-dhaafsiga madaafiicdan ayaa u dhexeeya Israel iyo Xisbullah oo ay Iran taageerto , iyo sidoo kale kooxaha kale ee ka hawlgala koonfurta Lubnaan

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA