Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidanka Israa’iil Oo Gudaha Ugalay Isbitaalka Naasir ee Koofurta Qaza

khamiis 15 Feb-2024 {HMC} Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Israa’iil ayaa shalay weerar ku qaaday Isbitaalka Naasir ee koonfurta Qaza, kaasoo ah Isbitaalka ugu weyn ee ka shaqeeya gobolkaasi, ka dib markii ay maalmo go’doomiyeen xaruntaasi.

Ciidanka Israel ayaa sheegtay inay ku qabteen tiro dad ah oo laga shakisan yahay” oo ku jira isbitaalka, iyagoo intaa ku daray in howlgalka uu socdo.

Afhayeenka Ciidanka Israel Daniel Hagari ayaa sheegay in ay hayaan siro lagu kalsoonaan karo oo laga helay ilo dhowr ah, oo ay ku jiraan la haystayaal la sii daayey, kuwaasoo sheegaya in Xamaas ay hore dad afduuban ugu haysteen isbitaalka, iyo in meydadka la haystayaashii dhintay laga yaabo in ay yaallaan isbitaalka. Milatarigu si cad uma shaacin cadaymahaas.

Waxa uu ku andacoodey in Xamaas ay u badan tahay in ay ku dhuumanayaan dad rayid ah oo ku dhaawacmay gudaha isbitaalka Naasir wuxuuna sheegay in howlgalku uu noqon doono mid sax ah oo xaddidan.

“Hamas wax shaqo ah kuma laha isbitaalka,” Muhammad Nazzal, oo xubin ka ah Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas, ayaa u sheegay CNN Khamiistii.

Dr. Ashraf Al-Qidra, oo ah afhayeenka wasaaradda caafimaadka, ayaa yiri: “Gumaystaha Israa’iil waxay xoog ku galeen dhismaha Naasir Medical Complex waxayna ka dhigeen xero milatari ka dib markii ay burburiyeen darbiga koonfureed oo ay ka soo galeen. Cagaf-cagafyada millatariga Israa’iil ayaa qodaya xabaalo wadareedyo laga dhex qoday gidaarada adag” ayuu yiri Dr. Al-Qidra.

Waxay ku soo beegantay maalin kadib markii boqolaal qof oo rayid ah ay ciidamada Israa’iil ku qasbeen inay ka baxaan Isbitaalka oo ay gabbaad ka dhiganayeen.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA