Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo loogu baaqay in ay hor yimaadaan Baarlamaanka Soomaaliya

khamiis 15 Feb-2024 {HMC} Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kamid ah siyaasiyiinta sida weyn uga soo horjeeda wax ka badalka lagu sameeynayo Dastuurka KMG.

Farmaajo iyo Shariif ayaana qoraal wadajir ah ay dhawaan soo saareen ku shaaciyay in madaxweyne Xasan Sheekh ka diiday in uu dib u dhigo ka doodista wax ka badalka Dastuurka uuna tago shirka fidsan magaalada Garawe.

Xildhibaan Cabdirisaaq Xusul oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Sheekh Shariif iyo Farmaajo oo ah xildhibaano aan looga baahneyn warqado ay soo saaraan , balse laga rabo in ay baarlamaanka yimaadaan kana dhiibtaan aragtidooda.

“Farmaajo iyo Shariif waa xildhibaano, waxaa la rabaa inay yimaadaan Baarlamaanka oo ay aragtidooda wax ka badalka Dastuurka ka dhibtaan ee ma ahan inay bannaanka warqado kasoo tuuraan” ayuu yiri yiri Xildhibaan Xusul.

Xildhibaanka ayaa sheegay in talada ay soo jeediyeen labada madaxweyne hore ay u egtahay mid qasab ah oon la qaadan karin, waxa uuna ugu baaqay labada madaxweyne hore in waxii aragtidooda ah horkeenaan baarlamaanka ay katirsan yihiin.

Baarlamaanka labada aqal ayaa hadda bilaabay ka doodista wax ka badalka Dastuurka KMG ee dalka u yaalla, waxaana tallaabadan baarlamaanka wadaan kasoo horjeeda qaar kamid ah siyaasiyiinta waa weyn ee mucaaradka iyo maamulka Puntland.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA