Friday, April 19, 2024
spot_imgspot_img

Ganacsade si arxan daran Loogu dilay Magaalada Gaalkacyo

Khamiis , February 15, 2024 {HMC} Kooxo hubaysan ayaa magaalada Gaalkacyo ku dilay ganacsade lagu magacaabo Axmed Tahliil, xilli uu ku sugnaa goobtiisa ganacsi oo kutaala waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Dableyda dishay ayaa goobta isaga baxsaday markii ay falkaan geystaan, lamana oga cidda ay katirsan yihiin iyo sababta loo dilay ganacsadahan.

Magaalada Gaalkacyo dhinaceeda waqooyi ee Puntland, ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa kusoo badanayay dilalka salka ku haya aargoosiga aanooyinka qabiilka. Maamulka gobolka Mudug ayaa waday dadaalo xal looga gaarayo colaadda ka dhalatay dilalka caynkaan ah.

Bishii September ee sanadkii hore, dhaqtar dhallinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Sakariye Cadceed Jaamac ayaa lagu dilay goobtiisa caafimaad xilli habeen ah.

Dadkii ka dambeeyay dilkiisa weli gacanta laguma soo dhigin.

Hay’adda amniga ayaa lagu dhaliilay inay ka gaabiyeen inay soo qabtaan eedeysanayaasha ku eedeysan dilalka aanooyinka qabiilka la xiriira.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 18-04-2024

Khamiis 18 April , 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta  Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo :: Mustaf Ali...

{DAAWO MUUQAALKA} Xarunta Qaran ee Tubsan oo Muqdisho ka furtay Kulanka ka hortagga iyo la dagaalanka fikirka AS

Khamiis-18-April-2024 {HMC} Xarunta Qaran ee Tubsan oo Muqdisho ka furtay Kulanka ka hortagga iyo la dagaalanka fikirka AS HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA. https://youtu.be/XsxfrgCejdE

WARARKA