Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Indonesia: Jeneraal hore oo guul ka sheegtay doorashadii ka Dhacday Dalka Indonesia

Khamiis , February 15, 2024 {HMC} Kaddib bilooyin hubanti la’aan ah, ayay shacabka waddanka Indonesia ay saakay kusoo tooseen madaxweyne cusub, ka gadaal marki doorashadi Arbacadi dhacday uu guul ka sheegtay taliyihii hore ee ciidanka gaarka ah ah Prabowo Subianto.

Inkasta oo aanan si rasmi ah loogu dhawaaqin natiijada doorashada, haddana warbaahinta Indonesia iyo tan caalamiga ah ayaa wariyay in General Subianto uu si weyn ugu guuleystay doorashada.

72-jirkaan sidoo kale horay u soo noqday wasiirka gaashaandhiga Indonesia ayaa xalay taageerayaashiisa u sheegay, in guusha uu gaaray ay tahay mid ay wada leeyihiin dhammaan dadka Indonesia.

Cod-tiyayaasha madaxa bannaan ayaa sheegay in Prabowo Subianto uu ku guuleystay ku dhawaad 60 boqolkiiba codadki la dhiibtay, taas oo ka badan codka aqlabiyadda ee uu ka rabay doorashada si uu madaxweynaha u noqdo.

Subianto ayaa doorashada uga badiyay guddoomiye-yaal hore Anies Baswedan iyo Ganjar Pranowo, kuwaas oo ka hoos maray boqolkiiba 33.

Natiijada kama danbeysta ah ayaa lagu dhawaaqi doonaa 20-ka bisha Marso ee sannadkaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA