Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay in uu Safar ku tagayo Addis Ababa xilli Itoobiya aysan ka laaban damaceeda ee Badda

Khamiis , February 15, 2024 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu dhawaan safar ugu baxayo magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas uu kaga qayb-galayo shirar kala duwan.

War goordhaw uu faafiyay xafiiska warfaafinta ee Villa Somalia lagana soo duubay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland oo ku sugan magaalada Kismaayo ayuu Dr. Xasan Sheekh shaaca kaga qaaday safar uu dhawaan ku tagayo Itoobiya, xilli Addis aysan ka laaban damaceeda Badda Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo ka hadlaya safarkiisa ee uu ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa yiri, ”Dhawaan waxa aan safar ku tagayaa anniga iyo wafdi aan hoggaaminaya magaalada Addis Ababa ee xarunta midowga Afrika.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u jeedka safarkiisa ku sheegay in halkaas uu uga qeyb galayo saddex shir oo Soomaaliya muhiim u ah, “Meeshaas (Addis) saddex shir oo muhiim ah ayaa ka jira;  Shirkii Midowga Afrika ayaa ka jira oo ay isugu imaanaya madaxdii, waxaa halkaas ka jira shir ay isugu imaanayaan madaxdii IGAD iyo Shirka Bulshada Bariga Afrika.”

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shirarkaan ay Soomaaliya muhiim u yihiin, waxa uu carabka ku dhuftay in Soomaaliya aysan wali ka tanaasulin go’aankeeda, aysan aqbali doonin faraglinta Itoobiya.

Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo aadaya xilli xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uusan ahayn mid wanaagsan ka dib heshiiskii is-afgrad ay wada gaareen Ra’iisul Wasaaraha Itoobya Abiya Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muse Bixi Cabdi, kaas oo dhigaya in Itoobiya laga ijaaro Badda Cas si ay dekad.

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Mahad Cawid” Xildhibaanada qaar waxaa laga dareemayaa Cunqabateynta hubka soo celi”

Sabti 27 July 2024 {HMC}Xildhibaan Mahad Cawid" Xildhibaanada qaar waxaa laga dareemayaa Cunqabateynta hubka soo celi" HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Gudoomiye Madaalle ” Wax la Aqbali Karo maaha waxaa ka Jiro Xamar-Weyne.”

Sabti 27 July 2024 {HMC} Gudoomiye Madaalle " Wax la Aqbali Karo maaha waxaa ka Jiro Xamar-Weyne." HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA