Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Shaaciyay Safar uu ku tagaayo Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xaqiijiyay inuu safar ku tagayo dalka Itoobiya oo xilligan ay Soomaaliya kala dhaxeyso xiisad ka dhalatay heshiiskii dhinaca Badda ee Itoobiya ay la gashay Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay inuu magaalada Addis Ababa uga qeyb galayo shir madaxeedka Midowga Afrika, iyo shirar kale oo ay leeyihiin IGAD iyo EAC.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu shirarkaas gayndoono farriinta ku aaddan in aan lagu xad gudbin madax bannaanida iyo gobonimada dalka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya mowqif adag ay ka taagan tahay heshiiska Itoobiya ay doonayso inay ku qaadato qeyb kamid ah badda Soomaaliya.

“Arrinta Itoobiya waayahaan ku dhaqaaqaysay weli mowqifkeeda meesheeduu naga taagan tahay. Waana mowqif ay adag tahay si aan uga tanaasulno in aanay muuqan. Dalkeennu in lasoo galgalo waa riyo aan soconayn, horey waan u sheegnay. Farrintaas ayaan caalamka la wadaagaynaa,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada Kismaayo, halkaas oo uu shalay booqasho ku tagay.

Si kastaba ha ahaatee, diplumaasiyiin sare oo ka socda dowladda Maraykanka iyo Midowga Afrika ayaa isku dayaya inay wada hadal siiyaan madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaaraha Itoobiya, si ay xal uga gaaraan xiisadda badda.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA