Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Taliska Ciidanka Booliska Puntland oo Soo Qabtay Nin Ku Eedeeysan Dil Ka Dhacay Duleedka Garowe.

Khamiis , February 15, 2024 {HMC} Ciidanka Booliska Gobolka Puntland ee gobolka Nugaal ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ayuub Abdiqani Ibrahim (Ayuub shiino) oo ku eedaysan dil xalay ka dhacay duleedka Garowe.

“Ciidanka Booliska Puntland Qeybta Gobolka Nugaal iyagaoo gudanaya waajibka ka saaran ilaalinta iyo ka hortaga falalka lidka ku ah bulshada iyo deegaanka ayaa gacanta ku dhigay eedeysane baxsad ah laguna magacaabo Ayuub Abdiqani Ibrahim (ayuub shiino) Kuna eedeysan dil xalay ka dhacay Magaalada Garoowe”.ayaa lagu yiri war ka soo baxay Booliska Maamulka Puntland.

Warka ay soo saareen Booliska Maamulka Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in eedeynaha la horgeyn doono sharciga.

“Eedeysanaha oo ay Ciidanku gacanta ku hayaan, waxaana la horgay doona maxkamada awooda uleh cidkasta falkaas ku edaysan waxaana socota barista kiiska. Dilka oo ay ku dhinteen marxuum Sharmaake Ismaaciil Wayrax iyo marxuum Abdifataax Abdiraxman diirye. Falkaas oo dhacay 14/2/2024 abaaro sacadu markay ahayd 0:4:30 subaxnimo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska.

Ciidanka Booliska Maamulka Puntland Ayaa Xooga Saaraya Amaanka Gobolka Nugaal waxana ay soo qabtaan eedeeysana yaasha loo heeysto Dilalka ka dhaco maamulkaas iyo Dadka waxyeelada ugeeysta Dadka shacabka ah

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA