Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka warbixisay kulamo wafdi ka socda dowladda u joogaan Itoobiya

Khamiis, February 15, 2024 {HMC} Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Balcad iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay shirar kala duwan oo hordhac u ah kulanka guud ee sanadlaha ah ee Midowga Africa.

Kulamada qabsoomay waxaa qayb muhiim ah ka ahaa shir ay isugu yimaadeen guddiga qaabilsan nidaaminta iyo qorshaynta jagooyinka kala duwan ee Midowga Africa oo ay u tartamaan madaxda iyo dalalka Africa, guddigaas oo ay xiligan hoggaanka u hayso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa sidoo kale ka qayb galay Danjiraha Soomaaliya ee dalka Itoobiya Cabdullaahi Maxamed Warfaa, saraakiil sar-sare oo kamid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS iyo diplomaasiyiin katirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia.

Guddiga ayaa shirkooda kaga arrinsaday  orshayaasha taagan ee hortebinta u leh dalalka ku bahoobay Midowga Africa, iyagoona soo bandhigay wadamada iyo madaxda Afrika ee sanadkan u baratamaya jagooyin badan oo ay tartan xoog leh ugu jiraan qaar kamid ah dalalka Africa oo ay Soaomaaliya ku jirto.

Kulanka guddiga oo ay shir guddoominaysay Soomaaliya ayaa si gaar ah loogaga hadlay dedaalka iyo tartanka ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu jirto hanashada iyo hogaaminta Guddiga Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Africa ee sanadaha 2025-2026.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA