Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Xisbiga Nawaz Sherif Ra’isulwasaarihii hore Pakistan oo soo dhisayo dowlad wadaag ah

Khamiis , February 15, 2024 {HMC} Xisbiga Ra’isulwasaarihi hore ee Pakistan, Nawaz Sharif iyo xulufadiisa siyaasadda ayaa xalay ku dhawaaqay in ay soo dhisi doonaan dowlad wadaag ah, tallaabadaas oo soo afjari karta hubanti la’aanti ka jirtay mustaqbalka siyaasadda Pakistan.

Pakistan ayaa todobaadki hore u muuqatay in ay cagaha gelisay dariiq hubanti la’aan siyaasad ah, kaddib marki uu xisbina ku guuleysan waayay doorashadi baarlamaaniga aheyd ee dalkaasi ka dhacday.

Hase yeeshee kaddib kulamo xiriir ahaa oo ay magaalada caasimadda ah ee Islamabad ku yeesheen xisbiyada mucaaradka ku ah ra’isulwsaarihi hore Imran Khan ee hadda xabsiga ku jira, ayay kasoo saareen go’aanka qaabeynta dowladda cusub ee wadaagga ah.

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay madaxa xisbiga Pakistan People’s Party ahan ra’isulwasaare hore Asif Ali Zardari iyo hogaamiyaha xisbiga Pakistan Muslim League Nawaz Sharif iyo walaalkiis Shehbaz Sharif, oo ra’isulwasaare kumeel gaar ah dalkaasi ka noqday kaddib marki xilka laga xayuubiyay Khan sannadki 2022-ki.

Zardari iyo Sharif, labaduba shirkoodii jaraa’id ee Arbacadi kuma aysan sheegin qof noqon doona ra’isulwasaaraha, hase yeeshee waxaa aad loogu badinayaa inuu Nawaz Sherif noqon doono ra’isulwasaarha cusub ee Pakistan.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA