Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Ciidamada amniga oo caawa Muqdisho ku qabtay Nin watay boorso ay ku jiraan qaraxyo

Jimco 16 Feb-2024 {HMC} Ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa caawa magaalada Muqdisho ku fashiliyay boorso laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ,oo la doonayay in lagu dhibaateeyo dad shacab ah.

Ciidanka NISA ayaana degmada Cabdicasiis gaar ahaan agagaarka xeebta Liido ku qabtay nin dhallinyaro ah oo watay boorso lagu soo qariyay waxyaabaha qarxa, taa oo la ogeyn goobta la doonayay in lagu bartilmaameedsado.

War kasoo baxay laamaha ammaanka ayaana lagu sheegay in gacanta lagu hayo boorsada waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay iyo ninkii watay, waxa ayna xuseen in ninka la hayo baaris lagu sameenayo lana horgeenayo caddaaladda.

Qaraxan caawa la fashiliyay ayaa imaanaya xilli ciidanada ammaanka xoojiyeen amniga caasimadda Muqdisho, si ay uga hortagaan falalka ammaanka lidiga ku ah.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA