Wednesday, June 19, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Xubno Kasocday hoggaanka Awdal State oo Lagu Soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho.

Jimco 16 Feb-2024 {HMC} Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda caafimaadka XFS DR. Maxamed Xasan Maxamed iyo Xildhibaanada labada gole ee Dowladda Soomaaliya ku metela Maamulka Awdal State ayaa xalay kulan casho ah magaalada Muqdisho ugu sameeyay labada hogaamiye ee Awdal State Dr Cabdisamad Nageeye iyo Cali Baxar.

 

Ujeedka kulanka ayaa ahaa in labada hogaamiye la isku keeno si ay ugu midoobaan midnimada iyo difaaca deegaankooda, islamarkaana ay meel uga soo wada jeestaan cadowga Itoobiya iyo dabadhilifkiisa kuwaa oo doonaya in ay si xoog ah ugu habsadaan badda deegaanka Lughaye oo ka tirsan Gobolka Awdal State.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka XFS ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Dr Maxamed Xasan Maxamed iyo mudanayaasha kale ayaa kula dardaarmay labada masuul in ay hormuud u noqdaan halganka ka jira deegaanka iyo sidoo kale hormarka bulshadooda.

Ugu danbeyntii kulanka ayaa soo dhamaaday iyadoo heshiis iyo is-afgarad laga gaaray kala aragti duwanaantii labada dhinac ee ku aadanayd sida loo wajahayo jiheynta dadka reer Awdal oo iyagu xiligan ay saaran yihiin culeysyo uga imaanaya Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Xildhibaan Xaadoole “Beesha aan baarlamaanka ku metelo dhul kama heystaan kooxda AS

Arbaco 19 June 2024 {HMC} Xildhibaan Xaadoole “Beesha aan baarlamaanka ku metelo dhul kama heystaan kooxda AS HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxtooyada SSC-khaatumo oo ka warbixisay safarkii uu madaxweyne ku xigeenka ku tagay gobolladaasi.

Arbaco 19 June 2024 {HMC} Madaxtooyada SSC-khaatumo oo ka warbixisay safarkii uu madaxweyne ku xigeenka ku tagay gobolladaasi. HOOS KA DAAWO WARBIXINTA MUUQAALKA

WARARKA