Wednesday, April 24, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA}Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo gacanta ku dhigay Xubin katirsaneeyd AS

Jimco 16 Feb-2024 {HMC}  Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo gacan ka helayay kuwa dadka deegaanka ee ku sugan bariga gobolka Galgaduud ayaa maanta gacanta kusoo dhigay oday katirsanaa Al Shabaab oo lagu magacaabayay Saciid Cali Gacamey.

Ninkan ciidanka soo qabteen ayaa la sheegay in uu kamid ahaa saraakiisha Al Shabaab ee ka howlgalayay degmooyinka Ceeldheer , Galcad iyo deegaanno hoostaga, waxaana lagu eedeeyay in dhibaatooyin badan u geestay dadka deegaanka.

Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in Saciid Gacamayey muddooyinkii dambe si dhuumaaleysi ah ugu jiray dhulka howdka ah, waxaana ciidanku kasoo qabteen agagaarka deegaanka Geerile oo hoostaga degmada Ceeldheer.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee soo qabtay ayaa sheegay in ninkan kamid ahaa odayaasha Al Shabaab sida dhaw ula shaqeenayay, waxa ayna xuseen in ay hayeen xogtiisa ayna ku daba jireen muddo dheer.

Ciidanka dowladda ayaa horey bariga gobolka Galgaduud uga soo qabtay odayaal iyo xubno la shaqeenayay kooxda Al Shabaab, waxaana xubnahaasi lagu eedeeyay in dhibaatooyin badan geesteen intii ay Al Shabaab u shaqeenayeen.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 23-04-2024

Talaado-23-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo :: Abdiqani Osoble Farsamadii :: Mohamed...

{DAAWO MUUQAALKA} Taliyaha Ciidanka lugta XDS oo gaaray Buuloburde ayaa fariin u diray kumaandooska Gor-gor

Talaado-23-April-2024 {HMC} Taliyaha Ciidanka lugta XDS oo gaaray Buuloburde ayaa fariin u diray kumaandooska Gor-gor HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/zYa4FljPztw  

WARARKA