Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Dalalka Yurub ee Xubnaha ka ah NATO oo lacagtii ugu badnayd ku bixinaysa difaaca

Jimco 16 Feb-2024 {HMC} Xoghayaha gaashaanbuurta NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in sannadkani uu yahay, sannadkii ay dalalka Yurub ee xubnaha ka ah isbahaysigu, ay dhinaca difaaca la wadaago ku bixinayaan lacagtii ugu badnayd, tan iyo markii ururkaas la aasaasay.

Xoghayaha NATO ayaa sheegay in dalalka Yurub ay guud ahaan lacag gaadhaysa $380 Billion oo dollar ay ku bixinayaan dhinaca difaaca.

18 dal oo ka mida 31 dal ee xubnaha ka ah isbahaysiga NATO ayaa bixinaya guud ahaan qaadhaanka laga rabo inay siiyaan Isbahaysiga NATO. Dal kasta oo xubin ka ah NATO ayaa laga rabaa inuu difaaca la wadaago ku bixiyo 2% oo ka mida wax-soosaarka gudaha ee dalkaas ama GDP.

Arrintan ayaa ku soo beegmaysa, ka dib markii uu bilaabmay duullaanka uu Ruushku ku qaaday Ukraine, taasoo dardargelisay hawlaha isbahaysiga NATO.

Poland iyo Maraykanka ayaa la filayaa inay noqdaan dalalka xaddiga ugu badan ka bixiya, marka la eego boqolladayda qaadhaanka laga doonayo, halka dalka Luxembourg uu yahay kan bixiya lacagta ugu yar.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA