Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

DFS oo Qalab Caafimaad Kala Wareegtay Urur Goboleedka IGAD.

Jimco 16 Feb-2024 {HMC} –  Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa agab Computer-ro ah kala wareegtey Urur goboleedka IGAD.

Munaasabadda lagula wareegayey qalabka waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka socdey Urur goboleedka IGAD, agaasime waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda iyo xubno kale.

Qalabkan ayaa waxbadan ka tari doona fududeynta shaqooyinka Caafimaadka ee loogu talagaley in loogu adeego bulsho waynta Soomaaliyeed si loo hello nidaam Caafimaad oo hufan iyo in xogta Caafimaadka Dalka laga soo uririyo goobaha fog taasoo qeyb ka ah dedaalada socda ee lagu mideynayo xogaha Caafimaadka dalka.

Madaxa IGAD ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Kaarshe ayaa sheegey in qalabkan Computer-rada ah ay qeyb ka yihiin dedaalada ay IGAD ku garab istaageyso Soomaaliya gaar ahaan qeybta Caafimaadka, waxa uuna xusey in IGAD diyaar u tahay ka qeyb qaadashada horumarinta Caafimaadka Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen ayaa ka mahadcelisey taageerada Urur goboleedka IGAD markasta la garab taagan yihiin horumarinta Caafimaadka Soomaaliya, waxayna sidoo kale xustey in l xoojiyo wadashaqeynta Wasaaradda Caafimaadka iyo Urur goboleedka IGAD.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA