Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Shirkadda Duulimaadyada Kenya Airways ayaa dib u soo celisay duullimaadyadii ku imaan jirtay Muqdisho

Jimco 16 Feb-2024 {HMC} Shirkadda Duulimaadyada Kenya Airways ayaa dib u soo celisay duulimaadyadii aan joogsiga lahayn ee Muqdisho, taasoo ay ku tilmaamtay guul taariikhi ah oo laga gaaray isku xirka iyo horumarka gobolka.

Duulimaadka Soomaaliya ayaa ka duuli doona Terminal 2 ee garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta.

Kenya Airways ayaa markii ugu horraysay duulimaadyadeeda Muqdisho ka bilowday bishii December ee sanadkii 2018-kii balse waxa ay ku qasbanaatay in ay hakiso duulimaadkaas sababo la xiriira cudurkii safmarka ahaa ee Karoona Virus.

 

Bishii Agoosto 2023, heshiis laba geesood ah oo dhinaca hawada ah oo u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa la kala saxiixday, kaas oo u gogol xaarayey duullimaadyo toos ah.

 

Agaasimaha Guud ee Kenya Airway, Allan Kilavuka ayaa sheegay in dib-u-soo-celinta duullimaadyada Muqdisho ay la jaanqaadi karto ballanqaadka istaraatiijiyadeed ee shirkadda ee ku aaddan ballaarinta guud ahaan Afrika iyo ka qayb qaadashada horumarka dhaqaale ee mustaqbalka fog.

 

Bishii Janaayo 2023, hawada Soomaaliya waxay dib u heshay heerka A ee dhinaca bedka, ka dib in ka badan 30 sano, tallaabadaas oo ay aqoonsatay Ururka Caalamiga ah ee Gaadiidka Cirka (IATA).

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA