Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

5 nin oo Gaalkacyo ku dilay ganacsade caan ah oo lasoo qabtay iyo sababtii dilka ka dambaysay oo…

Sabti 17 Feb-2024 {HMC} Ciidamada ammaanka Puntland ayaa maanta soo qabtay shan nin oo shalay nin ganacsade ahaa ku dhex dishay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ragaas wuxuu maanta lagu qabtay duleedka magaalada Bursaalax.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali ayaa warbaahinta u xaqiijiyey soo qabashada ragaas, wuxuu sheegay inay ku xiran yihiin xabsiga Gaalkacyo, isla markaana la horgeyn doono maxkamad, si kiiskaas cadaaladda loo waafajiyo.

Ninka ganacsadaha ahaa ee raggaasi ay dileen waxay lagu magacaabi jiray Axmed Tahliil, wuxuuna ahaa nin caan ah oo laga yaqaanay inta badan waqooyiga Gaalkacyo oo shalay lagu dilay.

Muuqaal laga duubay raggi ninkaan dilay ayaa muujinaya, inay kala soo baxeen tukaan uu isagu lahaa, kadibna ay ku dileen bartamaha laamiga, kadib markii uu diiday inuu raaco gaari ay wateen.

Guddoomiye Feysal ayaa sheegay inay xog hordhac ah ka heleen sababta ay ragaasi u dileen Axmed Tahliil, taas oo ah is qabqabsi la xiriira wiil ay dhashay Gabar uu qabo Liibaan Tahliil oo la dhashay ninka la dilay, wiilkaas waxaa sheegtay nin horay u qabay gabadha, kaas oo ku dooday inuu furay iyadoo uur leh.

Guddoomiyaha ayaa shaaciyey in reerka uu ka dhashay ninka shalay la dilay ay wiilkii lagu qabsaday u direen dalka dibadiisa, taas oo sababtay in ragaasi ay isku dayaan inay afduubtaan adeerkiisa oo tukaan gadanaya.

Waxay wateen gaari Borobox ah, waxay ahaayeen shan nin oo hubeysan oo laga dhex arkay muuqaal laga duubay, ganacsade Axmed Tahliil ayey kala soo baxeen tukaankiisa, iyagoo qorsheynaya inay afduubtaan ayuu ka diiday inuu gaariga taaco, halkaas ayeyna ku toogteen.

Muuqaalkii laga duubay ragaas ayaa fududeeyey in la aqoonsado, sidii ayaana lagu raadiyey, iyadoo maanta lagu guuleystay in lasoo qabto sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Jifojabsade.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA