Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Ciidamada Ruushka oo dagaal kula wareegay magaallo kutaalla dalka Ukraine

Sabti 17 Feb-2024 {HMC} Dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga Ruushka iyo kuwa dalka Ukraine ayaa wali ka socda magaalooyin kuyaalla dalka Ukraine, waxaana dagaalka khasaarooyin kasoo gaaray ciidamada labada dal.

Ciidamada Ruushka ayaa lagu soo waramayaa in guulo ka gaareen dagaalkii ka socday magaalada bur bursan ee Avdiivka, waxaana wararka sheegayaan in ciidamada Ukraine isaga baxeen magaaladan oo muddooyinkii dambe ay ku dagaallamayeen.

Qabsashada magaaladan bur burtay ee ciidamada Ruushka ayaa noqoneysa guul weyn ay dagaalka ka gaareen dhowrkii bil ee lasoo dhaafay, ciidamada Ukriane ayaana wali ku fara adeegaya magaalooyin kale ay kula dagaallamayaan ciidamada Ruushka.

Ka bixitaanka ciidamada Ukraine magaalada Avdiivka ayaa lagu micneeyay xeelad dagaal, kaddib markii ciidamada oo rasaastii ka dhammaatay ay hareereeyeen ciidamada Ruushka ee dagaalka kula jiray bilihii lasoo dhaafay.

Ciidamada Ruushka ayaa isku fidiyay magaalada Avdiivka, waxaana la sheegay in ciidankii Ukraine ee magaalada ka baxay meelo kale difaac ka galeen, iyadoona la filayo in ciidamada Ruushka ay duullaanka halkoodii kasii wadaan.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA