Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Nin kufsaday Caruur xaaskiisu dhashay oo Muqdisho lagu xiray.

Sabti 17 Feb-2024 {HMC} Ciidanka booliiska Soomaaliya ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayaa maanta gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay in uu kufsi u geestay labo gabdhood uu adeer u ahaa oo ay dhashay xaaskii uu ninkan qabay.

War kasoo baxay taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ay soo qabteen ninkan ku eedeysan in uu saakay kufsaday labada gabdhood uu adeerka u ahaa, kuwaa oo kala jira 10-sanno iyo 18-sanno.

”Ciidanka boliiska ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysane la sheegay in uu kufsi ugu gaystay degmada Dharkeenley labo gabdhood oo xaaskiisu dhashay 17-02-2024 abaaro 8:40 am. Dhibanayaasha ayaa da’doodu tahay 18 jir iyo 10 jir” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska booliiska gobpolka banaadir.

Ciidanka booliiska ayaa sheegay in eedeysanaha kufsaday gabdha uu adeerka u yahay ku socoto baaritaan, waxa ayna xuseen in baaritaanka kaddib loo gudbin doono laamaha caddaaladda si ninkan loogu qaado eeda dambiga uu galay.

Dhacdooyinka argagaxa leh ayaa muddooyinkan kusoo badanaya magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka, waxaana horey u jiray kiisas la xariiray rag xaassakooda gubay sidoo kale gowracay iyo haween iyana raggii qabay dilay.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA