Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Nin 20 Sano Qurbaha Ku noolaa oo hadda xabadsowadda ku wareejiya Magaalada Laascaanood.

Sabti 17 Feb-2024 {HMC} Waa laba iyo lixdan jir dhawr iyo labatan sano ku noolaa qaar ka mid ah dalalka Yurub ee ay Soomaali badan u tahriibaan iyga oo baadigoobaya nolol ka wanaagsan tan ay ku haystaan dalkooda hooyo.

Laakiin Maxamed Xassan waxaa uu hadda garab rarato ka yahay magaalada Laascaanood.

Wuxuu wareejiya alaab yar yar oo ay ka mid yihiin kabo iyo xabadsawdo bartamaha suuqa, halkaas oo uu dib ugu soo laabtay kadib dagaalkii ka socday muddo ku dhow halka sano.

Muuqaal laga duubaya ayaa dad badan waxaa ay is waydiiyeen sababta ku kaliftay Maxamed Xasan Maxmuud in uu dib ugu soo laabto dal uu horey uga qaxay sanado badan ka hor.

Dalalka uu kasoo laabtay ee uu ku noolaa ku dhawaad 20-ka sano oo kala ah Norway iyo Sweden waxaa ay ka mid yihiin kuwa ugu dhaqaalaha wanaagsan dalalka Yurub, halkaas oo nabad iyo fursado shaqo ay ka raadiyaan kumaan qof oo Soomaali ay ka mid yihiin sanad walba.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya uu ka tagay markii dowladii dhaxe ay burburtay, xilligaas oo uu shaqo u doontay dalka iskutaga imaaradka carabta, balse in muddo ah oo uu joogay magaalada Dubaay ayuu go’aansaday in uu u wareego dalka Suuriya.

Sanadkii 2004-tii ayuu mar kale go’aansaday in uu galo safar dhulka ah oo tahriib ah oo uu ku raadinayo noolal ka wanaagsan tii uu ku haystay dalka Suuriya.

Waxa uu maray in ka badan dhowr iyo tan dal oo ka mid ah kuwa Yurub ilaa uu iska dhiibo dalka Sweden kadib safar khataro badan uu kala kulmay.

“Hal sano iyo bar ayaan ku nool dalka sweden kadibna waxaan u wareegay dalka Norway, halkasi ayaan in ka badan 15 sano daganaa ilaa aan kasoo laabto” ayuu yiri Sheekh Maxamed Xasan Maxmuud oo BBC-da la hadlay.

Maxamed waxaa uu BBC-da u sheegay muddo hal sano iyo bar ah kadib oo uu ku noola Sweden uu mar kale iska dhiibay dalka Norway, halkaas oo waqti badano o noolashii ka mid ahan uu ku qaatay.“Markii aan Sweden sharci ka wayay ayaan mar kale iska dhiibay dalka Norway, shan sano ayaan ka shaqeeynay Norway labo shaqo oo kala duwan oo midn ay ahyad nadaafada iyo tu kale oo ah warshada kaluunka ” ayuu yiri Sheekh Maxamed.

Sababta uu dalka dib ugu soo laabtay ayuu ku sheegay in ay tahay in dalalkii uu iska dhiibay oo dhan ay u diideen in ay sharci siiyan, kadib markii ay ku eedeeyan in dhalashadiisa uu ka been sheegay.

“Markii ay baasboorkii ii diideen oo ruqsadii shaqada ay igala noqdeen, iyaga oo dhahay dhalashada aad noo sheegtay sax ma ahan ayaan go,aansaday in aan dalkayga hooyo dib ugu laabto.

“Safarkii ayaa cariir igu noqday markaas ayaan iri ‘Maxamedoow ilaahay ayaa irsaaqada ku siiyee dalkaagii hooyo dib ugu laabo’” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Saddex sano iyo bar ka hore ayuu Maxamed dib ugu soo laabtay Soomaaliya kadib in ka badan labaatan sano oo uu ka maqnaa.

“Markii aan dalka dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaan imaaday hal sano iyo bar ayaan joogay, laakin markii danbe ayaan go’aansaday in aan Laascaano u guuro “ ayuu BBC-da u sheegay.

Hadda Maxamed waa ganacsade garab rarato ah oo alaabaha yar yar ku wareejiy suuqa magaalada Laascaanod ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale waa mu’adin mid ka mid ah maasjida ku yaalla magaalada halkaasi oo uu kaga taxnayahay kitaabada diiniga ah ee lagu aqriyo.

“Hadda noolasho waa iska caadi waayo magaaladu waa amaan dagaalkii waa dhamaday, alaabaha yar yar ayaan suuqa ku wareejiya”, ayuu BBC u sheegay.

Maxamed waa aabe leh labo carrur ah iyo xaas, waxaana uu nolashooda ka maareeyaa alaabaha yar yare ee suuqa uu ku wareejiyo.

“Waxaan iibiya kabaha, macwisaha ah iyo xabadsowdada oo aan ka raadiyaa biilka qoyska, maalinkii waxaan helaa 5 ilaa 10 dollar ilaa 15 dollar, haddba intii alle iga siiyo” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Waxaa uu tilmaamay inkasta oo xaalad dhaqaale iyo heerka nolasha Soomaaliya ay tahay mid culus marka la barbar dhigo dalalka uu ka yimid, haddana marka la fiiriyo ilaha wax soo saarka ay Soomaaliya aad uga horeeyso.

“Soomaaliya waa dal qani ah marka la barbar dhigo kuwa Yurub ee aan ka imid, waayo Norway oo kale wax kaliya oo ay leeyihiin waa Kaluun iyo Shidaal,” ayuu yiri Maxamed oo tilmaamaya in Soomaaliya gudaheeda uu nolol wanaagsan iyo fursadaba ka heli karo.

Inkasta oo Maxamed go’aansaday in dalkiisa uu wax ka qabsado haddana waxaa uu sheegay in uu jecel yahay in dalalkii yurub uu mar booqado ama gudaha Laascaano uusna dhaqaale wanaagsan ku haysan.

“Waxaa jirta lacag howlgab ah oo dadka halkaasi ka shaqeey loo aruuriyo marka hadii aan heli lahaa jaanis waan booqan lahaa, maadaama aan saaxiibo badan ku leeyahay “ ayuu yiri Maxamed.

Kumaanaan qof oo Soomaali ah ayaa sanad walba u tahriib dalalka Yurub kuwaas oo raadinaya noolal dhaanta tan ay ku haystaan dalkooda.

Xigasho BBC

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA