Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Duqeyn culus oo xalay ka dhacday gobolka Galgaduud iyo qasaaro ka dhashay

Sabti 17 Feb-2024 {HMC} Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay duqeyn culus oo xalay ka dhacday gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, taas oo lala eegtay goobo ay ku sugnaayeen  kooxda AS

Duqeyntan ayaa waxaa iska kaashaday ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, waxayna si gaar ah uga dhacday duleedka degmada Galcad ee gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in weerarkan cirka ah lagu beegsaday laba saldhig oo ay AS ku leeyihiin aagga magaalada Galcad, isla markaana lagu gaasiiyay khasaare lixaad leh, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa tilmaamay in la burburiyay goobaha la duqeeyay, welina ay wadaan qiimeynta waxyeelada kooxda kasoo gaartay weerarkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca AS oo ku aadan howlgalkaas ee ay si wadajirka u qaadeen ciidamada dowladda iyo saaxibada caalamiga ah.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo kamid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda AS ay ka socdeen gobollada dhexe ee dalka, kuwaas oo lagu xoreeyay dhul ballaaran.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA