Sunday, May 5, 2024
spot_imgspot_img

Faah Faahin Dheeraad ah Dagaal Culus oo ka dhacay Degmada Maxaas.

Sabti 17 Feb-2024 {HMC}  Faah faahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeeyso Dagaal Culus oo manta ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan,  waxaana dagaalka ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhawac ah sida ay dadka deegaanka ay wabaahinta Hiiraanweyn u sheegeen.

 

Dagaalkan oo u dhaxeeyo Ciidamada dowlada iyo dadka deegaanka ayaa  ka biloowday kadib markii Askar ka tirsan Ciidamada uu ku amray qof kamid ah dadka deegaanka in qoray uu wato uu dhulka dhigo, waxaana arintaas ka biyo diiday qofkii deegaanka ahaa sidaas ayuuna dagaalka ku biloowday.

 

Dagaalka oo socday mudo ayaa waxaa ku dhawacmay labo qof oo shacab ah kuwaas oo ay rasaastu ku haleeshay xafadahooda oo ka ak dhawaa halka lagu dagaalamayay,waxaana la gaarsiiyay isbitaalka dagmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

 

sidoo kale waxaa wararka qaar ay sheegayaan in dagaalka ay ku geeriyoodeen Ilaa 2 Askari oo ka tirsan Ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

Dadka Deegaanka ayaa sheekay in Ciidamada dowlada ay Hoobiyaal ku garaaceeyn Xaafadaha degmada Maxaas inta uu dagaalka Socday.

 

Odoyaasha dhaqanka iyo Maamulka degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay joojinta Dagaalka kuwaas oo kala dhax galay dhinacyada ku dagaalamayay.

 

 

wali waxaa laga dareemayaa Dagmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan Xiisadada dhinacyadii  dagaalamay,waxaana laga cabsi qabaa in mar kale oo Dagaalka halkaas ka qarxo.

 

 

{DAAWO MUUQAALKA} Ninkii gubay xaaskiisa oo Maxkamadda ka sheegay hadal ka yaabiyay dadka

Axad 5, May 2024 {HMC}  Ninkii gubay xaaskiisa oo Maxkamadda ka sheegay hadal ka yaabiyay dadka HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/DJ91FQbnLiw

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 05-5-2024

Axad-05-may -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Baryare & Mustaf...

WARARKA