Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Faah-faahino dheeraad ah oo kasoo baxaysa duqeyn culus oo maanta ka dhacday gobolka Shabeelaha Hoose,

Sabti 17 Feb-2024 {HMC} Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeyn culus oo maanta ka dhacday degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose, taas oo ay iska kaashadeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah.

Duqeynta ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan kooxda AS oo isku uruursanayeen halkaasi, sida ay shaaca ka qaaday dowladda Soomaaliya.

Warsaxafaadeed ay sii deysay warbaahinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan uu guuleystay, isla markaana uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Waxaa kale oo ay dowladduu xaqiijisay in duqeyntan lagu dilay illaa 7 xubnood, luguna dhaawacay 4 kale oo ay ku jiraan horjoogayaal sar sare, sida lagu sheegay qoraalka.

“Howlgalka oo ahaa duqayn dhinaca cirka ah ayaa xalay abaaro 11:30 habeenimo ka dhacay goob ay ku aruursanayeen kooxda AS. Howlgalkaas ayaa cadowga lagu gaarsiiyey khasaaro, iyada oo 7 dhagar qabe nolosha lagu dhaafiyey halka dhawaca uu yahay 4, horjoogeyaal ayaana qeyb ka ah” ayaa lagu yiri qoraalka,

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in duqeyntaan aysan wax waxyeelo kasoo gaarin dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Kuntuwaarey ee Shabeelaha Hoose.

“Howlgalkaas dad shacab ah waxbo kuma noqon waxaana uu kusoo dhammaaday guul iyo sidii loo qorsheeyey” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda AS oo ku aadan weerarka dhanka cirka ah ee guusha ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah ay kordhiyeen howlgallada culus ee ay ku beegsanayaan kooxda AS.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {26.07.2024}

Jimco 26 July 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdirahman Maclin...

{DAAWO MUUQAALKA} Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori.

Jimco  26 July 2024 {HMC}  Madaxweyne Dabageed oo Hal Arin ka Dalbaday dadka ku Nool Degmada Moqokori. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA…

WARARKA