Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Golaha Guurtida Somaliland oo ansixiyay xeerka doorashooyinka.

Sabti 17 Feb-2024 {HMC}  Golaha Guurtida Somaliland ayaa markale cod caqlabiyad ah ku ansixiyay Xeerka Doorashooyinka Somaliland ee Xeer Lr. 91.

Golaha Guurtida Somaliland ayaa meel mariyay xeerka doorashooyinka ee uu madaxweynuhu dhawaan dib ugu soo celiyay golayaasha sharci dajinta kadib markii qodobada qaar lagu kala aragti duwanaaday.

“Doorashadii qabsada, madaxweynahana waa ka diyaar, anagana naga soo bax, milicna looma dhigin roobna looma dhigin xeerka” Xildhibaan Shaadh oo ka tirsan Golaha Guurtida ayaa sida MMTV u sheegay.

Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada ayaa hore u ansixiyay xeerka, lakiin waxay soo kala saareen laba nuqul oo kala duwan marka ay noqoto qodobada qaarkood, taasi oo sababtay in madaxweynuhu uu dib usoo celiyo.

Markale Golaha Wakiilada ayuu xeerku mari doonaa, iyada oo laga warsugayo hadii ay markale diidi doonaan qodobadii laysku maandhaafsanaa iyo in kale.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA