Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Itoobiya oo xad gudub ku Sameysay wafdiga Madaxweyne Xassan Shiikh ee Tagay Addis Ababa

Sabti 17 Feb-2024 {HMC} Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul ugu hadashay xad gudub diblomaasiyadeed oo dowlada Itoobiya kula kacday wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee Addis ababa kaga qeyb galaya shir madaxeedka sanadlaha ah ee Midowga afrika.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda Soomaaliya  ayaa lagu cambaareeyey daandaanshi ay dow;ada Itoobiya kula kacday wafdiga Madaxweynaha.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay daandaansiga ay dowladda Itoobiya ku dooneyso inay ku carqaladeyso wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya uga qeyb galaya shir madaxeedka Midowga Afrika ee sanadka 2024 ka dhacaya magaalada Addis Ababa” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibeda ee Soomaaliya.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu yiri: “Tallaabadani waxay jebisay dhammaan hab-maamuuska dublamaasiyadeed iyo kan caalamiga ah & caadooyinka loo aasaasay ee Midowga Afrika. Marka la eego in anshaxa Ethiopia inay martigeliso xarunta Midowga Afrika, hoggaankeeda iyo dawladeeda waxaa ku waajib ah inay si isku mid ah ula dhaqmaan dhammaan madaxda Afrika”

Dowlada Soomaaliya ayaa sidoo kale uguy baaqday midowga Afrika inuu xaruntiisa ka raro dalka Itoobiya maadaama Itoobiya ay ka xad gudbeyso wufuuda ka qeyb galaysa shirarka midowga Afrika

“Anagoo cambaareynayna falka aan loo meel dayin ee Itoobiya, waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa Midowga Afrika inay si deg deg ah u sameeyaan baaritaan lagu kalsoonaan karo oo madax-banaan oo ku saabsan falkan foosha xun iyadoo la raacayo hab-maamuuska ururka” ayaa lagu soo gebagebeeyey war saxafadeedka dowlada Soomaaliya .

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Itoobiya ay isku dayday iney Madaxweynaha Soomaaliya ka hor joogsato ka qeyb galka shirka Midowga Afrika inkastoo markii dambe loo fasaxay.

Siyaasiyiin iyo dad badan ayaa horey u dhaliilay booqashada Madaxweynuhu ugu ambabaxay Itoobiya maadaama Abiy Ahmed uu weli ku adkeysanayo heshiiskii uu la galay Soomaaliland, waxayna dad badani qabaan in booqashadan ay bahdilaad ku tahay Soomaaliya ayna aheyd in hoos loo dhigo xiriirka Itoobiya.

HOOS KA AKHRISO WAR SAXAAFADEEDKA DOWLADA SOOMAALIY.

 

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA