Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xasan Sheikh oo shirka Midowga Afirka kaga cambaareeyay faragalinta Itoobiya ee badda Soomaaliya

Sabti, February, 17, 2024 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay furitaanka Shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay kulanka, ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda.

Madaxweyne Xasan Sheukh ayaa markale ku celiyay in aan la aqbali karin talaabooyinka ay Itoobiya dhawaan ku dhawaaqday, gaar ahaan heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay la saxeexdeen Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya.

Madaxweynaha waxa uu tallaabadaasi ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo Kuwa Afrika islamarkaana aan la aqbali Karin.

Waxa uu ku booriyay dalalka Midowga Afrika in si wada jir ah wax loo qabto si loo sameeyo habab wax ku ool ah oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka ka jira Afrika.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA