Saturday, July 27, 2024
spot_imgspot_img

Madaxweyne Xassan Shiikh oo caro uga soo baxay shirkii Midowa Afrika, kuna soo laabtay Muqdisho

Sabti 17 Feb-2024 {HMC} Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa galabta si deg deg ah ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, caasimada dalka ka dib markii uu kasoo carooday shirkii midowga Afrika ee Addis Ababa, ee uu maalmo ka hor ku sheegay mid muhiim ah.

Shir jaraa’id oo Madaxweynuhu ku qabtay xarunta Midowga Afrika ka hor inta uusan ka duulin Addis ababa ayuu ku eedeeyey Itoobiya xushmad darro inay kula dhaqaaqday isaga iyo wafdigiisa intii u socday shir madaxeedka midowga Afrika ee hadda ka socda Addis Ababa, isagoo sheegay in saraakiisha amniga Itoobiya ay isku dayeen in ay u diidaan inuu galo halka shirku ka socdo. inkastoo markii dambe loo ogolaaday.

Wuxuu mar kale ku celiyey inuu ka xun yahay in Itoobiya ay isku daydo inay qiil u samayso heshiiskii ay la saxiixatay Somaliland.

“Itoobiya waxay doonaysaa inay dhul ka qaadato Soomaaliya, umana suuragaleyso” ayuu yiri Madaxweyne xasan sheikh.

Wuxuu intaa ku daray in wakhtigan ay saraakiil sare oo Somaliland ka socota ay diyaar garow ka wadaan addis ababa” si heshiiska loo dhaqan galiyo, wuxuuna sheegay in Itoobiya ay sii murjinayso xiisadda.

Maalmo kahor, Madaxweynaha ayaa Itoobiya ku sheegay cadow Soomaaliyeed, laakiin socdaalkiisii shalay ayaa ahaa dhacdo la yaab ku ahayd dadka darsa arrimaha labada dal u dhaxeeya.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa xarunta AU ku yimi, baabuurka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, oo dhinacyada soo kala dhexgalay.

Madaxweynaha ayaa ka cadeeyey Xarunta Midowga afrika in Itoobiya ay wafdi sare u dirtay Hargeysa, Soomaaliyana aysan gacmaha ka laaban doonin.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in Dadaalo diblumaasiyadeed oo la xariiray iney wadahadal yeeshaan Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ay fashilmeen ka dib markii madaxweyne Xassan Shiikh uu diiday inuu la fariisto madaxda Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hor sheegay madaxda Africa in aysan dawladdiisa gorgortan ka galeyn madax banaanida dalkiisa, isku day kasta oo arrintan la xariirana fashil uu ku dhammaan doono, ayna xadgudub tahay.

{DAAWO MUUQAALKA} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland

Sabti 27 July 2024 {HMC} Hogaanka sare ee xisbiga kulmiye ayaa munaasibad Soo dhawayn ah u sameeyay Qurba jooga Somaliland HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA}WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal.

Sabti 27 July 2024 {HMC} WAR DEG-DEG AH: Waxaa la shaaciyay Xildhibanada golaha Deegaanka ee sadexda degmo ee gobolka Nugaal. HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

WARARKA